Article 6
Qodobka 6aad
Original Somali text, quoted word for word
: - Badeecadaha Canshuurta laga dhaafay 1. Cashuur Dhaafka kastamka (badeecadaha la dhoofiyo iyo kuwa la soo dejiyo) ee ku xusan Xeererka Somaliland, iyo heshiisyada Somaliland dhinac ka tahay ee xaq u leh in loo sameeyo Cashuur dhaaf waxa sheegayaga kuwan hoos ku xusan: - a) Qodobada 124, 136, 145 ilaa 147, 163 iyo 164 ee Xeerka Kastamka, Xeer lr. 73/2016, b) Qodobka 24 (1, 2) ee Xeerka Maalgashiga Somaliland. Xeer Lr. 99/2021. c) Xeerka ilaalinta kaymaha iyo duur joogta, Xeer Lr.69/2015 qodobkiisa 11aad farqadiisa 6aad d) Kuwa lagu bixiyey heshiisyada caalamiga ah ama heshiisyada ay Jamhuuriyadda Somaliland qayb ka tahay; 2. Si waafaqsaan qodobka 163aad ee xeerka kastamka iyo shuruuddaha lagu sheegay Xeernidaamiyahan, baddeecaddahan soo socda waxa laga dhaafayaa cashuuraha soo-dajinta: (a) Alaabada ay leedahay madaxda ajanabiga ah ama Madaxweyne yimid oo jooga Somaliland taas oo ku salaysan wax isdhaafsi; —5— (b) Alaabada ay leeyihiin diblomaasiyiinta iyo wakiilada qunsuliyadaha ay Somaliland ogolaanshaha siisay iyo alaabada lagama maarmaanka u ah samaynta xafiisyada diblomaasiyadeed iyo qunsuliyadaha iyo baabuurta iyo alaabada kale ee isticmaalka rasmiga ah leh taas oo ku salaysan wax isdhaafsi; (c) Alaabada iyo baabuurta ay leeyihiin wakiiladda, saraakiisha iyo khubarada Qaramada Midoobay, hay’adaheeda gaarka ah iyo urrurada kale ee caalamiga ah si waafaqsan heshiisyada uu sharcigu ogolaaday wax aka mid ah: - (i) Waxyaabaha ay isticmaalaan Ururka Qaramada Midoobay, hay’addaheeda gaarka ah ama hay’addaha kale ee caalamiga ah iyo alaabada iyo baabuurta lagama maarmaanka u ah fulinta heshiisyada sharcigu ogolaaday, (ii) Waxyaabaha laga soo reebayo waxa sheegaysa Wasaarada Hormarinta Maaliyadda marka ay ogolaansho ka hesho Wasaaradda Arrimaha Dibedda; (iii) Kastamadu waxay ogolaanayan iibka ama ku tasarufka alaabada ama baabuurta cashuur la’aanta loogu soo-dajiyay dadka ama ujeeddooyin aan ahayn kuwii markii hore la sheegay ka dib bixinta cashuurihii ku waajibay iyada oo lagu salaynayo —6— qiimaha alaabada iyo baabuurta ee marka la iibinayo. (d) Waxyaabaha shakhsigu leeyahay, qalabka isgaadhsiinta iyo kumbuyuutarada ee shakhsiga ah, dahabka, waxyaabaha caruurta lagu qaado, qalabka isboortiga, qalabka guryaha, risiifarada raadiyeyaasha (radio receivers) cod duubeyaasha, kamarooyinka iyo barojaktarada (8mm), teebabka, mishiinada tolmaha, alaabda yar yar ee guryaha lagu isticmaalo, qalabada iyo tuulalka mihnada oo laga reebay baabuurta ay leeyihiin dadka ku nool Somaliland sabab kasta: (i) Waxa shardi ah in alaabadan dhammaantood la isitcmaaley oo aanay dheeraad ka ahayn isticmaalkii qofka ay khusayso; (ii) Baddeecaddaha waxa lagu soo-dajin karaa safaro kala duwan muddo lix bilood ah gudahood oo ka bilaabanta taariikhdii qofku yimid Somaliland; (iii) Waxyaabaha laga soo reebayo waxa samaynaysa hay’adadda kastamada marka loo soo gudbiyo codsiga oo uu la socdo liiska alaabada la soo dajinayo ee la socda hal safar ama wax ka badan iyo sidoo kale shahaadada degenaanshaha ee ay soo saareen dawladdaha hoose ama qoraal u dhigma; (e) Waxa dheeraad ku ah hantida shakhsiga ah ee la isticmaaley ee lagu sheegay xarafka (d) ee qodobkan, qofka safarka ahi —7— waxa uu keensan karaa allaabadan soo socota oo laga dhaafayo cashuuraha soo-dajinta: (i) Hantida qofka safraya, hadiyadaha iyo waxyaabaha dadka fasaxa xasuusiya (souvenirs) ee uu debadda ka soo iibsaday qiimahooduna aanu ka badnayn 800 USD ahna xaddi aan ganacsi ahayn; (ii) Buuriga ilaa 200 sigaar ah, (Hal Stic oo ay ku jiraan toban baakidh) ama 50 sigaar ama 250-gram oo buuri ah waxase shardi ah in qofka safrayaa ka weynyahay 18 jir; (iii) 250 militir oo (eau de cologne) ah ama wax u dhigma ama 50 militir oo caddar ah. (f) Allaabada loo isticmaalo cibaadada diiniga ah ee loo soo diro hawl-galada diiniga ah iyo bulshooyinka Somaliland gudaheeda jooga; (g) Waxyaabaha daabacan iyo allaabada kale ee si toos ah logu deeqay machaddada dhaqanka ama ururada tahayna in loo isticmaalo ujeedooyin dhaqan ama cilmi ee aan ganacsi ahayn. (h) Muunadaha baddeecadaha waxase shardi ah in aan si toos ah loo isticmaali karin; (i) Joornaalada la daabaco, kaalandarada (calendars), buug- yareyaasha, fariimaha, booklets, postcards, waxyaabaha la —8— daabaco, bilaydhada birta (metal plates), albanada, sharaxaadaha iyo qaybaha kale, iyo liiska qiimaha ay tahay in lagu qaybiyo bilaa lacag si loogu xayaysiiyo dalxiiska ama ganacsiga; (j) Shaanbadaha iyo waraaqaha shaanbadaysan, waraaqaha bangiga iyo warqaddaha kale ee daynta ee ay dawladda leedahay; (k) Baddeecaddaha sida tooska ay u soo-dajisato dawladdu ama iibsato kadib marka ay yimaadan ka hor inta aan laga saarin kastamada. Xaaladdan danbe, cashuurta waxa laga dhaafayaa oo kaliya marka la helo ogolaanshaha Wasaaradda Hormarinta Maaliyada; (l) Alaabada loogu baahanyahay samaynta sahanka Ayaxa, si loogu isticmaalo ololaha ka dhanka ah Ayaxa iyo ololaha cidhib tirka duumada; (m) Deegaha iyo gargaarka maadiga ah ee la siiyo bulshooyinka ay ku dhufteen masiibooyinka guud; (n) Gaadiidka naafada, Lugaha/gacmaha samayska ah (artificial limbs) iyo kuraasta laysku riixo ee aan ganacsiga ahayn (o) Alaabada sida gaarka ah ay u isticmaalaan dadka indhaha la’i ee ay soo-dajiyaan urruradu si ay u kaalmeeyaan in wax la baro dadka indhaha la’i ama hay’addaha iyaga ku xidhan; —9— (p) Xawayaanka la rabeeyo, lab iyo dhegba, si loogu koriyo xayawaanada carbiska ah ee beeraha lagu isticmaalo; (q) Geedaha nool iyo dhirta kale, ridista, goynta, xidida, midhaha loo xulay dhulka iyo midhaha beerta, bacrimeyaasha, iyo waxyaabaha cayayanka dila ee si gaar ah loogu isticmaalo beeraha, waxase shardi in ay si toos ah u soo-dajiso hay’adda beeraha ee ay khusayso si sharciga waafaqsan (r) Bakhaarada markabka, isticmaalka gaarka ah ee cuntada rakaabka iyo shaqaalaha markabka ama diyaaradda ee la isticmaalayo inta safarka lagu jiro iyo marka markabka ama diyaaraddu dekedda ku suganyihiin, iyada oo la raacayo dammaandaha iyo xaddidadaaha ay dajisay hay’adda kastamadu; (s) Alaabada wax lagu cabeeyo iyo cabaynta nooc kasta oo loo baahanyahay si loo qaado furuudka ama khudaarta la dhoofinayo iyada oo la raacayo dammaanadaha iyo xaddidaadaha ay dajisay hay’adda kastamadu; (t) Quraaradaha, qasaacadaha iyo koontiinarada kale ee cuntada lagu dhoofiyo, iyada oo la raacayo dammaanadaha iyo xaddidadaha ay dajisay hay’adda kastamadu; (u) Shidaalada iyo saliidaha ay u baahanyihiin: (i) Maraakiibta ka tagaysa ama ka shaqaynaysa meel ka baxsan biyaha dhulka; —10— (ii) Diyaaradda dibedda u baxaya oo ay ku jiraan kuwa ku hakanaya dhulka Somalland; (v) Khaanadaha iyo weelka lagu soo qaado dadka dhintay ee Somaliland la keenayo iyo waxyaabaha qurxinta loo adeegsado. Cashuur dhaafka waxa samaynaya hay’adda kastamada marka ay ogolaanshaha u soo gudbiso hay’adda ku shaqada lihi; (w) Baddeecaddaha la caddeeyay in ay Somaliland yihiin. Cashuur dhaafkan waxa la siinayaa mulkiilaha baddeecaddaha ee dhoofku saameeyay, marka la soo gudbiyo qoraalka kastamada ee dhoofka, waxana shardi ah in baddeecaddaha dib loo soo-dhoofiyay hal sano gudahii oo ka bilaabanta taariikhda ka muuqata qoraalka, hadduu buuxiyo shuruudaha kastamku u dejiyay; 3. Cashuur-dhaafista Badeecadaha la dhoofiyo: - Si waafaqsan qodobka 163aad ee xeerka kastamka iyo shuruuddaha kor lagu soo sheegay, baddeecaddahan soo socda waxa laga dhaafayaa cashuuraha dhoofinta: (a) Hantida shakshiga ah, oo ay ku jiraan, baabuurta, qalabka guryaha, qalabka isgaadhsiinta iyo kumbuyuutarada shakshiga ah, dahabka, waxyaabaha caruurta lagu qaado, qalabka isboortiga, qalabka guryaha, risiifarada raadiyeyaasha (radio receivers) cod duubeyaasha, kamarooyinka iyo barojaktarada (8mm), teebabka, —11— mishiinada tolmaha, allaabda yar yar ee guryaha lagu isticmaalo, qalabada iyo tuulalka mihnada, ee uu leeyahay qof dibedda u degan sabab kasta, waxase u shardi ah in allaabadan dhammaantood la isitcmaaley oo aanay dheeraad ka ahayn isticmaalkii qofka ay khusayso; (b) Allaabta Maqaasinka markabka la dhigayo ee isticmaalka rakaabka iyo shaqaalaha markabka ee dekedda ku sugan ama soohdimaha Jamhuuriyadda, iyada oo la raacayo shuruuddaha ay u dajisay hay’adda kastamadu; (c) Khaanadaha iyo weelka lagu soo qaado dadka dhintay ee dibedda loo dirayo iyo waxyaabaha qurxinta loo adeegsado, iyada loo hogaansamayo Ogolaanshaha ay sameeyeen hay’addaha ay khusaysaa. 4. Cashuurdhaafka wershadaha haddii ay buuxiyaan shuruudaha liiga baahan yaay eek u xusan qodobka 3aad waxa laga dhaafi cashuurta qalabka wershada ee ay la sooo degaan oo aanu ku jirin mishiinada dabka dhaliya 5. Cashuur-dhaafka deegaanka: - Sida uu dhigayo Xeerka ilaalinta kaymaha iyo duur joogta, Xeer Lr.69/2015 qodobkiisa 11aad farqadiisa 6aad Cashuurdhaafka loo ogolyahay wasaaradda Deegaanka; waa sidan hoos ku qoran: - 1. Gaasta Naqaska (LPG) —12— 2. Qalabka Lagu Shubo Iyo Xadhkaheeda Oo Keliyah (empety cylinder) waxa ku jira kuwa ay shooladdu ku dhegan tahay 3. Shooladaha Dubaalada Leh 6. Badeecadaha Cashuur-dhaafkooda La-hakiyey. Waxa la baabi’iyay gebi ahaanba cashuur-dhaafyada ku salaysnaa siyaasaddaha Miisaaniyadda, Wereegto Madaxwayne, Wareegto Wasiir iyo wixii kale ee aan waafaqsanayn Xeerka Kastamka; kuwaas oo ah sidan hoos ku xusan: - 1. Qalabka beeraha sida: - cagafyada, qalabka waraabka, green house; 2. Qalabka kalluumaysiga; 3. Calafka xoolaha; 4. Qalabka cadceeda dabka ka dhaliya; 5. Qalabka loo adeegsado macdanta; 6. Riigaga iyo pumpka biyaha soo saara; 7. Qalabka Isgaadhsiinta; 8. Qalabka badbaadada dabka; 9. Dhamaan shooladaha naqaska ku shaqeeya ee gaarka u socda (Free standing stove) 10. Jiingadaha la fidiyo; 11. Qalabka la siiyo wershadaha furniture ka shaqeeya; 12. Cashuur-dhaafyada alaabta Ceydhin ee wershadaha ee —13— aan ahayn qalabka wershada. 13. Dhamaan gaadiidka gaarka loo leeyahay 14. Alaab kasta oo aan halkan ku xusnayn oo sifo ganacsi yeelan karta; iyo 15. Heshiishyada ka hadlaya Cashuur-dhaafka. CUTUBKA SADEXAAD: - SHURUUDAHA CASHUUR DHAAFKA