Article 1
Qodobka 1aad
Original Somali text, quoted word for word
: - Ujeedada Xeer nidaamiyaha Cashuur dhaafka Xeerka Kastamka Ujeedada Xeernidaamiyahan Cashuur-dhaafka laga leeyahay waxa weeye: - • In la helo nidaam hufan oo lagu maarayn karo Cashuur- dhaafka; • In Qeexis loo helo macnaha cashuur-dhaafka kastamka • In la caddeeyo badeecadaha cashuur-dhaafka ah iyo xaddidaad/shuruudaha ku habboon ee looga baahan yahay; • In la Sugo Hay’adda (kuwa dadweynaha, kuwa gaarka ah iyo kuwa caalamiga ahba) iyo shakhsiyaadka leh u-qalmitaanka Cashuur Dhaafka; • In la abuuro nidaam kormeer oo loo adeegsan karo in lagu hubiyo badeecadaha cashuur dhaafka loo sameeyey, loo isticmaalo ujeeddooyinka keenay in loo sameeyo Cashuur Dhaafka. • In la joogteeyo tirakoobka diiwaan gelinta tirada badeecadda iyo lacagta ku baaqata Cashuur Dhaafka la sameeyo sanad walba, si loo ogaado boqolkiiba inta canshuur dhaafka ah ee la sameeyo sannad kasta iyo in la hubiyo in cashuur dhaafka loo sameeyey sifo sharciga waafaqsan oo caddaalad ah. —2—