Article 4
Qodobka 4aad
Original Somali text, quoted word for word
: Tixraaca iyo Taariikhda Waraaqaha; 1. Waraagaha rasmiga ah ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladdu waa in ay yeeshaan Tixraac iyo Taariikh is hoos yaal oo uu Tixraacu dusha marayo. 2. Tixraaca 00 loo soo gaabin karo ‘Tix’, waxa uu yeelanayaa hab-qoraal midaysan. 3. Wasaaradaha iyo hay’adaha oo dhan, Tixraacu waxa uu yeelanayaa hab-goraal iyo qaabdhismeed midaysan oo ka kooban, xarfo laga soo gaabiyey ereyada iyo tirsiyada hoos ku qoran oo u kala horreynaya sida ay qoraalkan ugu kala horreeyaan: a) Magaca dalka Jamhuuriyadda Somaliland; 00 u gaabsan JSL b) Magaca wasaaradda ama Hay’adda 00 Afsoomaali ah lana soo gaabiyey (Tus: wasaaradda madaxtooyada - WM) c) Xafiiska ay ka soo baxday waraaqdu; Tus: Wasiirka - XW Wasiir ku xigeen - XWK Agaasime guud - XAG d) Tirsiga taxanaha ah ee waraaqda (Tusaale: /015) e) Tirsiga sannadka ay waraaqdu soo baxday oo si buuxda u qoran (Tusaale: 2026) 4. Xafiiska Madaxweynaha waxaa loo soo gaabinayaa - XM, Xafiiska madaxweyne ku xigeenkana waxaa loo soo gaabinaya - XMK 9. Qoraalka ereyga ‘Taariikh’ waxaa loo soo gaabinayaa “Taar”, 6. Hab-qoraalka Taariikhdu waxa uu nogonayaa Maalinta/Bisha/Sannadka 7. Tixraaca iyo taariikhda oo hoos taalla waxa la dhigayaa cidhifka sare ee bidix, kana hooseysa ciwaanka guud ee wargqadda (Letterhead). 8. Waxaa xigaya oo ka hoosaynaya Cidda ay wargaddu ku socoto, ujeeddada oo u gormaysa ‘Uj’ iyo goraalka warqadda 9. Gunaanadka waraaqda waxaa ku gormaya Magaca masuulka, xilka uu hayo iyo saxeexa, iyo shaambadda haddii loo baahdo.