Hagaha Sumadda iyo Nidaamka War-Isgaadhsiinta · 2026Wuu shaqeeyaa

Qodobka 14aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Bogagga Internetka iyo Warbaahinta Baraha Bulshada. 1. Dhammaan bogagga internetka (Websites) iyo warbaahinta baraha bulshada (social media) ee wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumaddu waxay yeelanayaan muuqaal iyo qaab-dhismeed midaysan, 2. Magaca wasaaradaha iyo hay’adaha ee cinwaanka (Domain) bogagga internetka (Websites) iyo warbaahinta baraha bulshada (social media) waxa uu ku qoran yahay Af-Soomaali, haddii aanay baahidu keenin in af kale la adeegsado sida Ingiriisi ama Carabi, 3. Dhammaan bogagga internetka iyo warbaahinta baraha bulshada ee wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumaddu waa in si cad loogu muujiyaa Calanka a Astaanta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. «KS Ne\ Ye) =) President z] 1 Xe 4. Midabka ay yeelanayaan bogagga internetka iyo warbaahinta baraha bulshadu waxa uu nogonayaa midabka u gaarka ah wasaaradda ama hay’adda. 5. Lama oggola in astaanta qaranka lagu daro midab, goraal, ama sawir kale 00 wax u dhimaya, wax ka beddelaya ama gofka aan aqoon madow ka gelinaya muuqaalkeeda rasmiga ah.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/hagaha-sumadda-iyo-nidaamka-war-isgaadhsiinta/qodobka-14
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
13Weydii qodobkan15