Qodobka 17aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
: Dhaqangelinta, Kormeerka iyo U Hoggaansanaanta Hagaha 1. Dhaqangelinta; Hagahan waxa uu dhagangalayaa laga bilaabo taariikhda rasmiga ah ee ay soo baxdo wareegtada uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku dhaqangelinayo hagaha sumadda & nidaamka war-isgaadhsiinta Xukuumadda. Dhammaan wasaaradaha, hay’adaha madaxa-bannaan, komishannada iyo xafiisyada dawladda waxa laga rabaa in ay si nidaamsan ugu wareegaan isticmaalka sumadaha iyo habraacyada ku xusan hagahan. ors & ae we ? , / > |Dreacidont|> 13 et 2. Kormeerka; Xafiiska La-taliyaha Madaxweynaha ee War-isgaadhsiinta iyo xidhiidhka dadweynaha (Strategic Communication and public Engagement) oo la kaashanaya Xafiiska Madaxweynaha & Wasaaradda Madaxtooyada ayaa mas’uul ka noqonaya kormeerka, hagidda iyo isku-duwidda hirgelinta hagahan. 3. U Hoggaansanaanta; Hay’ad kastaa xafiiskeeda War-isgaadhsiinta ayaa ah mas‘uulka u qaabilsan hirgelinta nidaamka midaynta ereyga iyo astaanta ee hagahani gudbinayo, kaas 00 hubinaya in dhammaan agabka, astaamaha, qoraallada rasmiga ah iyo farriimaha dadweynuhu ay waafaqsan yihiin nidaamka cusub ee sumadaynta xukuumadda. 4. Haddii Hay’ad Raaci Weydo Hagaha; Haddii hay’ad dawladeed ay si joogto ah u isticmaasho astaan, midab, goraal iyo guud ahaan sumad ama qaab aan waafaqsanayn hagahan, waxaa marka koowaad la siinayaa talo-bixin iyo sixid rasmi ah. Haddii khaladku sii socdo, arrinta waxa loo gudbinayaa Xafiiska Madaxweynaha, si loo qaado tallaabo maamul 00 ku habboon.