Article 3
Qodobka 3aad
Original Somali text, quoted word for word
: Cinwaanka Waraaqaha Rasmiga (Official Letterhead) 1. Ciwaanka Waraagaha Rasmiga ah (Official Letterhead) ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumaddu waxa uu nogonayaa mid midaysan, waxaana uu ka koobnaanayaa Astaanta Qaranka oo galaysa cidhifka sare ee dhinaca bidix, waxaana midig ka raacaya magaca dalka oo ah Jamhuuriyadda Somaliland, iyo Magaca Wasaaradda ama Hay’adda oo ku goran luugadaha Soomaali, Carabi iyo Ingiriisi, oo u kala sarraynaya sidan ay u kala horreeyaan. Wargadda gaybteeda u hoosaysa (Footer) waxaa gelaya cinwaanka, talefannada, iimaylka (Emails) iyo guud ahaan xidhiidhada hay’adda oo ku dhex goran jiitin leh midabka rasmiga ah ee wasaaradda ama hay’adda. 2. Midabka Ciwaanka Waraagaha (Letterhead) Rasmiga ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumaddu waxa uu nogonayaa midabka loo goondeeyay ee ku xusan Qodobka 2aad ee hagahan. 3. Hay’adaha uu xeer gaar ahi u sameeyey astaan (logo) u gaar ah, ama leh dabeecad shaqo oo la caddeeyey in aan looga maarmayn astaan gaar ah, waxa ay wada isticmaalayaan astaanta garanka iyo qaabka cinwaan ee qodobkan faqraddiisa kowaad ku xusan (Qodobka 3aad, faqradda 1laad), iyo astaanta u gaarka ah oo kelideed iyada 00 aan qoraal wadan lagu dhejiyo cidhifka midig ee sare ee dhukumantiga. / ae 5 Od \ ) \ / \ \ / \ if — ' —F1 a | 6