Article 15
Qodobka 15aad
Original Somali text, quoted word for word
: E-mail-da shaqada ah ee wasaaradaha iyo hay’adaha 1. Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknolojiyadda ayaa samaynaysa masuulna ka ah Email-da wasaaradaha iyo hay’adaha ee rasmiga ah (Official Government Email System) ama kuwa ka samaysan bogagga furan (Gaarka ah), sida Gmail iwm, ee wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumaddu u isticmaalaan shagada Qaranka, 2. Masuulka, ama hawlwadeenku Email-lada uu si shakhsi ah u leeyahay uma isticmaali karo xidhiidhada shaqada rasmiga ah ee garanka. 3. Email-da shaqada ee Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Madaxweyne-ku- xigeenka iyo Wasaaradda Madaxtooyada, waxaa samaynaya, isla markaana mas’uul ka ah waaxda Technoolajiyada ee Wasaaradda Madaxtooyada. 4. Dhammaan Email-lada shaqada waxa ay ka midaysan yihiin goraalka iyo hab- dhigaalka gunaanadka hoose ka muuqanaya, waxa aanay ka koobnaanayaan sidan hoose: e Magaca masuulka e Jagada/xilka rasmiga ah e Magaca hay’adda e Lambarka telefoonka rasmiga ah ee hay’adda e Email-ka shaqada ee hay’adda e Website-ka hay’adda, haddii uu jiro e Haddii loo baahdo waa lagu dari karaa astaanta qaranka