Hagaha Sumadda iyo Nidaamka War-Isgaadhsiinta · 2026In force

Article 14

Qodobka 14aad

Original Somali text, quoted word for word

Bogagga Internetka iyo Warbaahinta Baraha Bulshada. 1. Dhammaan bogagga internetka (Websites) iyo warbaahinta baraha bulshada (social media) ee wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumaddu waxay yeelanayaan muuqaal iyo qaab-dhismeed midaysan, 2. Magaca wasaaradaha iyo hay’adaha ee cinwaanka (Domain) bogagga internetka (Websites) iyo warbaahinta baraha bulshada (social media) waxa uu ku qoran yahay Af-Soomaali, haddii aanay baahidu keenin in af kale la adeegsado sida Ingiriisi ama Carabi, 3. Dhammaan bogagga internetka iyo warbaahinta baraha bulshada ee wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumaddu waa in si cad loogu muujiyaa Calanka a Astaanta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. «KS Ne\ Ye) =) President z] 1 Xe 4. Midabka ay yeelanayaan bogagga internetka iyo warbaahinta baraha bulshadu waxa uu nogonayaa midabka u gaarka ah wasaaradda ama hay’adda. 5. Lama oggola in astaanta qaranka lagu daro midab, goraal, ama sawir kale 00 wax u dhimaya, wax ka beddelaya ama gofka aan aqoon madow ka gelinaya muuqaalkeeda rasmiga ah.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/hagaha-sumadda-iyo-nidaamka-war-isgaadhsiinta/qodobka-14

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
13Ask about this article15