Hagaha Sumadda iyo Nidaamka War-Isgaadhsiinta · 2026In force
Article 12
Qodobka 12aad
Original Somali text, quoted word for word
: Shaambadaha Ku Qoran Afafka Dibadda 1. Safaaradaha iyo xafiisyada dibadda, wasaaradaha, iyo hay’adaha dawladdu waxa ay yeelan karaan nuqul labaad 00 ah shaambadda rasmiga ah kaas 00 ku qoran afafka Carabiga ama Ingiriisiga, si loogu adeegsado war-isgaadhsiinta leh dabeecad caalami ah, ama khusaysa arrimaha dibadda. 2. Shaambadaha rasmiga ah ee afafka kale ku qoran, waxa ay leeyihiin qaabka iyo shuruudaha ku xusan godobbada 8aad illaa 12aad, waxaanay xisaabsan yihiin hal shaambad.
Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/hagaha-sumadda-iyo-nidaamka-war-isgaadhsiinta/qodobka-12