Hagaha Sumadda iyo Nidaamka War-Isgaadhsiinta · 2026In force

Article 11

Qodobka 11aad

Original Somali text, quoted word for word

: Noocyada Shaambadaha iyo Ilaalintooda 1. Xafiisyada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku waxa ay yeelanayaan shaambado rasmi ah oo la qaab ah, laakiin ka cabbir duwan kuwa wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda. 2. Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda mid kastaa waxa uu yeelanayaa hal shaambad 00 rasmi ah oo keliya, taas oo sharci ahaan matasha wasaaradda ama hay’adda oo dhan. Waxaana lagu haynayaa xafiiska xusuus-dhawrka ee Wasaaradda ama Hay’adda. 3. Waaxyaha wasaaradaha iyo hay’adaha dawladdu waxa ay yeelan karaan shaambado aan rasmi ahayn oo loo isticmaalo dhukumantiyada, war- isgaadhsiinta iyo hawlaha shaqo ee ka socda gudaha wasaaradda ama hay’adda 00 keliya, sida shaambad-hawleed (Operational Stamps), shaamadda qabashada dhukumantiyada, shaambadaha arrimaha maaliyadda (Financial Stamps) iwm, 4. Shaambadaha aan rasmiga ahayn ee wasaaradaha iyo Hay’aduhu waxay nogonayaan qaab laydi ah (Rectangle), 00 afartiisa gees labada isku beeganiba isle’eg yihiin. 5. Shaambadaha aan rasmiga ahayn waxaa ku qoran magaca wasaaradda ama hay’adda, magaca waaxda isticmaalaysa, iyo haddii loo baahdo ujeedada isticmaalka (Sida Lacag-qabasho, Ansixin, iwm) ~ n, ~ President)= oS — * 10

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/hagaha-sumadda-iyo-nidaamka-war-isgaadhsiinta/qodobka-11

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
10Ask about this article12