Dastuurka JSL · Article 82
Qodobka 82aad
SHURUUDAHA QOFKA LOO DOORANAYO MADAXWEYNE AMA MADAXAWEYNE-KU-XIGEEN Waxa Madaxweyne ama Ku-xigeen Madaxweyne loo dooran karaa qofka buuxiya shuruudaha soo socda: 1. Waa in uu yahay muwaadin u dhashay Somaliland oo muwaadinimo dawlad kale haysan, balse wuu noqon karaa qoxooti dal kale deggan. 2. Waa inuu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka. 3. Waa inaanay da'diisu ka yaraan afartan sano {40}. 4. Waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba gudan karaa xilkiisa 5. Waa inuu aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyahay arrimaha maamulka {mid dawliya iyo mid kaleba}. 6. Waa inuusan dembi maxkamadi ku xukuntay ka gelin Qaranka Somaliland. 7. Waa inuu xaaskiisu yahay Muslim. 8. Waa inuu xog-ogaal u ahaado xaqaa'iqa dalka ka jira, isaga oo joogay ugu yaraan laba sano ka hor taariikhda doorashada loo cayimay inay qabsoonto. 9. Waa inuu hantidiisa diiwaan geliyo.
Original Somali text, quoted word for word